Dabley Hubeysan ayaa Nabadoon Soomaaliyeed Ku Dileen Duleedka Mogadisho

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dabley hubeysan oo saakay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho waxay ku dileen Oday dhaqameed ka tirsan Nabadoonada Beelaha Soomaaliyeed, Iyadoo ay dilkaani ay geystay Koox ku hubeysan Bastoolado..

Wararka ayaa sheegey in Nabadoon Cabdi Cabdulle Xaashi ayaa toogasho la dilay xili uu sii galayey Masaajid ku yaalla degaanka Ceelasha biyaha oo uu doonayey inuu ku soo tukado Salaada Ciida Al-Adxaa.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka uu isla goobta ku qur-baxay, iyadoo kooxihii dilayna ay goobta ka baxsadeen, Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano inkastoo aysan ku guuleysan iney soo qabtaan kooxihii ka dambeeyey dilka Nabadoonka.

199600cookie-checkDabley Hubeysan ayaa Nabadoon Soomaaliyeed Ku Dileen Duleedka Mogadisho