Waare Iyo Qorqor Oo Lagula Heshiiyay Iney Carqaladeeyaan Kulanka Sabtida

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Diinah.com news u sheegay in todobaadyadii ugu dambeeyay waxaana magaalada Muqdisho wadahadalo qarsoodi ah uga socday Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Adeege Fahad Yasin oo wakiil ka ah Mr.Farmaajo, Kulamadaasi oo dhamaantood ka dhacay xarunta Hay’adda NISA ee magalaada Muqadisho ayaa looga dooday Mustaqbalka Siyaasadeed ee Mr.Waare oo muddo xileedkiisu ku eg yahay dhamaadka Bisha Oktoobar ee soo socota….

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Wada hadaladaan looga dooday qodobo ay ka mid yihiin,:-

-In la carqaladeeyo Kulanka Sabtiga ka Furmaaya Vlla Somalia.

– In lagu meeleeyo Urur Goboleedka IGAD Carkowga.

-In Mr.Waare loo balanqaaday in la siiyo dhaqaale gaaraysa 1.7 Milyan oo US$.

Dhaqaalahaan ayaa waxa laga soo jari doonaa Mashruuca Covid-19 ee loo qoondeeyay Hir-shabelle taasoo dhan 3-da Milyan US$ ee loogu talagalay shacabka ku dhaqan deegaanka Hirshabeelle,  Dhaqaalahaan ayaa qayb ka ah lacagta kaalmada ah ee Bandiga Aduunka ugu talagalay in lagula tacaalo dhibaatooyinka ka dhashay cudurka Caorona Virus-ka.

Mr.Waare iyo Qorqor ayaa waxa lagula heshiiyaya iney garab istaagaan qorshaha Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ee la doonayo in lagula dagaalo dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.  Hadabada hadaladii ay ka jeediyeen Waare iyo Qortagreen shirkii Baydhabo ee lagu aflagaadeeyay Jubbaland iyo Puntalnd iyo shacabka reer Muqadisho waxa uu ahaa kuwo looga soo dhiibay Villa Somalia.

60000cookie-checkWaare Iyo Qorqor Oo Lagula Heshiiyay Iney Carqaladeeyaan Kulanka Sabtida