Dowladda Oo Iibinta Manhajka Mideysan Ku Wareejisay Shirkad Gaar Ah

Somalia news

Macluumaad hordhca ayaa laga soo sheegaya in Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ay Shirkad gaar loo leeyahay ku wareejiyeen Manhajka waxbarashada iyo Buugaagta, iyadoo ruqsad gooni ah loo siiyay iney Iibiso Manhaj lagu muransan yahay kaasoo xili sii horeysay uu daah furay Mr.Farmaajo…

Xogtaan ayaa Diinah.com news la qeybsatay in Manhajkaan uu ka kooban yahay Fasalada kala duwan ee Waxbarashada Dugsiyada, iyadoo su’aalo laga keenay qaabka uu ku dhaqan gelaayo, maadama ay ka biyo diideen qaar ka mid ah Dalladaha Waxbarashada dalka, iyadoo caqabadahaasi jiraan, ayaa la sheegay in Madaxtooyada ay culeys ku saarta Wasaarada Waxbarashada in shirkad si gaar loo leeyahay lagu wareejiyo daabacista Buugaagta, waxaana loo oggolaaday iney noqoto midda kaliyah ee dhaqaale ka sameyn karta.

Talaabadaan ayaa durba waxaa cabasho xoogan ka keenay Dugsiyada Waxbarashada, Tabashadaan ayaa la xiriirta qiimaha ay Shirkaddu ku iibineyso Buugagta kasoo la sheegay in Dugsiyada hoose loo qondeeyay in2-US$ laga iibiyo halka Buugaagta Dugsiyada sare la sheegay in 2,5US$ ay shirkadu ku beecin karto, iyadoo la sheegay in durbadiiba ay soo baxeen in dhaqaalihii laga qaatay Ardayda, qaarkoodna aysan soo gaarin Buugagtii laga iibiyay.

Waalidiinta iyo Dalladaha waxbarashada ayaa cabasho xoogan ka keenay, waxeyna cambaareeyeen qiimaha sare ee Shirkadu ku iibineyso Buugagta, iyadoo uu dhowr jeer uu ku faanay Mr.Farmaajo inuu Barnaamij Waxbarasho lacag la’aan ah uu Maamulkiisu diyaariyay.

60030cookie-checkDowladda Oo Iibinta Manhajka Mideysan Ku Wareejisay Shirkad Gaar Ah