Muran Iyo Khilaaf Ka Dhashay Magacaabista Wasiiru Dowle

Somalia news

Waxaa muran iyo Khilaaf Xoogan uu ka taagan yahay shaqsigii loo magacaabi lahaa Wasiiru Dowlaha loo qondeeyay Beelaha Habar Gidir, iyadoo Afada MW.Farmaajo Saynab Cabdi Macallin ay ka balanqaaday Walaasheed in loo magacaabo seygeeda Xildhibaan Cabdixakiin Macallin Axmed oo horey uga tirsanaa xubnaha ugu firfircoon ee Mucaardka MW Farmaajo….

Wararka ayaa sheegayaa in Xiliyadii ugu dambeysay ay Xildhibaanka ay xaaskiisa ku qasabtay inuu isaga haro mucaaridnimada Maamulka, taasoo horseeday in laga ceyriyo xubinimadii Xisbiga Himilo Qaran, Marwo Saynab Macallin ayaa maalmo ka hor kulan ay la yeelatay RW Cusub u gudbisay magacyada xubnaha qaraabadeeda ah ee ay la dooneyso in lagu soo daro Golaha Wasiirada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xiisadan ka taagan Degmada Dhuusa mareeb ay salka ku heyso magacaabistaan, kadib markii Mr.Farmaajo uu balanqaad u sameeyay mid ka mid ah Qaaqlayaashiisa oo lagu magacaabo Cali Cabdi Wardheere (Jeeb-ku-hire), kana mid ah Kooxihii sida aadka baraha Bulshada ugu ololeeya Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

Cali Jeeb-ku-jire ayaa u sheegay saaxabadiis in loo magacaabayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ama Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halka Afada Farmaajo ay ku wargelisay Xildhibaan Cabdixakiin in xilkaasi loo magacaabaayo.

Xiisadaan ayaa la sheegay in Mr.Qorqor ay ku wada yay inuu ka qaxo Magaalada Dhuusa mareeb, isagoo shalay gaaray Magaalada uu ka soo jeedo Ee Cadaado, wuxuuna u sheegay Qaraabadiisa in Madaxtooyada Villa Somalia ay maamulkiisu fara gelin ku heyso.

63190cookie-checkMuran Iyo Khilaaf Ka Dhashay Magacaabista Wasiiru Dowle