Mustaqbal Kooxaha Hubeysan ee Macawiskeyda Muxuu ku Dambeyn doonaa

Somalia news

Inkastoo xiligaan aysan jirin Urur ama jabhad hubeysan oo abaabulan lehna astaamihii urur la yiraadho ”Macawisley”, hadana waa in feejignaan laga muujiyaa in Dadkaan Rayidka ee hubka u qaatay iney degaanadoodu ka xoreystaan kooxda Argagixisada Shababka iney noqdaan kuwa sii jira marka ay soo af jarmaan Gulufkaan..

Beel kasta oo dhib weyn ka soo gaartay ficilada maleeshiyaadka kooxda Shababka waa ineysan noqon kuwo sii jira oo Dowladu diyaarisaa Barnaamij hub ka dhigis dhaqan celin hadii kale waxaa noqonayaan kuwo isku jeesta hubkana isku adeegsada sidii Kooxdii Suufiyada.

Maxey Tahay Sababta Xiligaan Guulaha looga Gaaray Dagaalka kooxda Shababka:-

Inkastoo Kooxahaan ay markoodii hore ka kaceen degaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaa dhabarka ka jebiyay Kooxda Shababka kadib markii gurmad iyo gacan ka waayeen Maamulkii Farmaajo, kana maqnaaday furumihii dagaalka, xiligaan Dowlada ayaa dhiiri gelisay tageerana u fidisay, waana sababta looga gaaray guul dagaalka kooxda lagula jiro.

Sida ay xaqiijiyeen khubaro u dhuun daloola arrimahaan waxey qireen in Kaalinta ay Ciidamada Dowlada ka ciyaareen ay u fududeysay Kooxdaan ”Macwisleyda” oo degaanadooda ka xoreysay, waxaase digniino laga soo saaray in Kicintaan ay caqabado ku yihiin Odayaal & Waxgarad kuwaasoo isku mashquuliyay in dagaalada la joojiyo kadibna si hoose loo wada hadlo, waxaana lagu eedeeyay iney gacan saar la leeyihiin kooxda Shababka.

214730cookie-checkMustaqbal Kooxaha Hubeysan ee Macawiskeyda Muxuu ku Dambeyn doonaa