Dhul-boob Xoogan Oo Laga Soo Sheegaayo Degmada Hobyo

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa xaqiijinaaya in Degmada Hobyo ay bilihii Ugu Dambeeyay ay ka taagnayeen Dhul-boob ay wada Saraakiisha Maamulka Farmaajo iyo kuwa Galmudug…

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Dhamaan dhulka ku teetdan xeebta la siiyay Sarakiil ka tirsan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo kuwa Maamulka Galmudug. Kuwaasoo la sheegay in qaab ka baxsan shuruucada dhulka Ee Degmada lagu siiyay, warar qaarkood ayaa sheegaya in dhul boobkaasi ay sameyn ku yeesheen dhul ay lahaayeen Dadka degaanka oo xoog iyo Cabsi gelin looga qaatay.

Degmada Hobyo oo dhawaan la filaayo in laga bilaabo dhismaha Dekad ay yeelato Galmudug ayaa waxay arrintaasi ka abuurtay in magaaladu noqon doonto xarun ganacsi, waxaana Mas’uuliyiinta iyo Shaqsiyaad ay wataan ay wadaan inay dhul ka cabirtaan ama ay xoog ku qaataan.

63150cookie-checkDhul-boob Xoogan Oo Laga Soo Sheegaayo Degmada Hobyo