Golaha Amaanka ee UN-ka oo la Filaayo iney Qaadaan Xayiraada iyo Cunabateynta Hubka ee Somalia..

Somalia news

Kadib markii 32-Sano ay Cunaqqbateyn dhinaca Hubka iyo Saanada Ciidamada saarneyd Dalka Somalia, ayaa la filayaa in maanta laga qaado xayiraada, iyadoo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Amaanka ee UN-ka ayaa lagu wadaa iney ansixiyaan laba Qaraar oo ay soo diyaarisay Dowlada UK…

Labada Qaraar mid waa in laga Xayiraada Hubka ee Dalka Somalia iyo mid lagu soo rogaayo Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo Dowladda Federaalka ay muddo 13-sano ay codsaneysay in laga qaado xayiraada si ay u xoojiso tayada Ciidamada Dowlada Federaalka oo dagaal kula jira kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo Dowladda Federaalka ay hakisay Bilowga Dagaalka wakigiisa 2-aad sababo la xiriira fatahaadaha iyo Daadadka Gobolada ka dhacay.

Wasiirka 1-aad Mr.Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in weerarardii iyo dagaalladii ka dhanka ahaa kooxda Shabaabka ee Ciidamada Dowladu qaadi jireen aaney maalmahaan jirin isagoo sababta ku sheegay daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay qaybo badan oo dalka ka mid ah, Wixuuna tilmaamay in hadda qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo wajiga koowaad ee dagaalka lana bilaabo kan labaad, isagoo xusay in Ciidamada dowlada ay diyaar u yihiin iney dagaalka sii wadaan marka ay roobabku joogsadaan.

290380cookie-checkGolaha Amaanka ee UN-ka oo la Filaayo iney Qaadaan Xayiraada iyo Cunabateynta Hubka ee Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com