Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxey sheegayaan in saakay uu ka bilaawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaadka uu hoggaaminayo Horjooge Xuud oo garab ka helayo dhalinyaro iska dhex abaabulay Beledweyne oo diidan in uu Beledweyne tago Madaxweynaha Cusub ee Hir-Shabeelle…
Dagaalkaan ayaa qarxay kadib markii maleeshiyaadka Horjooge Xuud oo ka yimid dhinaca degaanka Ceel-gaal ay la wareegeen qeybo kamid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa-taako iyo agagaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, kadib markii ay ka warheleen in Maanta uu Beledweyne ku wajahan yahay Madaxweynaha Hir-Shabeelle.
Khasaare kala duwan ayaa lagu soo sheegayaa in dagalka uu ka dhashay, isla markaana dhaawacyo la geeyay Isbitaalka Magaalada Beledweyne, sidoo kalena weli la maqlayo rasaas goos goos ah oo dhaceysa, Dagaalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada ku sugan yihiin madaxda ugu sarraysa dowlad goboleedka Soo Jeeda.
Si kastaba ha-ahaatee xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa saaka ah mid kacsan, waxaana uu dagaalku ku soo aadaya, iyadoo ay maanta tahay maalin nasiino oo Jimco ah, Wasiirkii hore Ee Waxbarashada Dowladda Federaalka ayaa weerar afka ah ku qaaday Mr.Cali Guudlaawe iyo Ugaaska Beesha Xawaadle.