Dacwad Lagu Soo Oogay Xildhibaanadii Laga Xayuubiyay Xasaanada

Somalia news

Xeer Ilaaliyaha guud ee dowlad Goboleedka  Puntland ayaa amray in aysan degaannada Puntland ka bixi Karin sigaar ahna loo ilaaliyo 8 mudane ee Maanta Baarlamaanka Puntland xasaanadii ka qaadeen…

Mudanayaasha xasaanada laga qaaday oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa Xeer ilaaliyaha Puntland uu sheegay in la xadidayo dhaq dhaqaaqooda ilaa Maxkamada laga horgeynaayo.

Xeer Ilaaliyaha guud ee dowlad Goboleedka  Puntland ayaa ku amray laamaha Amniga Puntland inay Xubnahaas meel gaar ah geeyaan, waxaana Guddoonka Golaha talo kasoo bixiyaan meeshii lagu heyn lahaa, sida in xabsi guri laga dhigayo iyo hadii xabsi la la geeynaayo.

Waxaa uu ku eedeeyay Xildhibaannada xasaanada lagala laabtay Xeer ilaaliyaha Puntland in 30kii Bishii la soo dhaafay ee November ay ishor-istaag ku sameeyeen Kulan uu Wasiirka Qorsheynta Puntland ku hortegi lahaa Golaha Wakiilada.

AKHRISO QABIILADA

– Xil Cabdijamal Cismaan-Warsangeli

-Xil Cabdiqani surato-Ciise Maxamuud

-Xil Muuse Jajabsay-Siwaaqroon

-Xil Baduugaaye-Ugaar Saleebaan

-Xil Maxamuud Maxamed Barre- Cabdiraxmaan Saleebaan

-Xil Saleeban Faarax-Ammaanle

-Xil Cabdiraxman Dhoore-Warsangeli

-Xil Maxamud Axmed Caalim-Dhulbahante

76360cookie-checkDacwad Lagu Soo Oogay Xildhibaanadii Laga Xayuubiyay Xasaanada