Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka Ee NISA iyo Ciidanka Boliiska, kuwaasoo albaabada u laabay shirkad farsameysa Daabacaada oo ku taalla magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale xabsiga u taxaabay Shaqaalaheedii…
Wararka hordhaca ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Shirkadaan oo lagu magacaabo MIDABSAN ayaa xarunteeda oo ku taalla agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee wadadda Maka Almukarama waxaa u dhacay Ciidamo aad u Hubeysan kuwaasoo Maamulka ku amray in la xiro xarunta, iyagoo sidoo kale xabsiga u taxaabay shaqaalihii iyo Mas’uuliyiintii xiligaasi joogay.
Xarunta shirkadda ayaa waxaa agagaarkeeda lagu arkayey gaadiidka Boliiska iyo Gaadiidka NISA oo halkaas lagu gooyey, waxayna sidoo kale wararku sheegayaan in la baaray xafiisyada xaruntaas.
Kama hadlin Saraakiisha Amaanka sababta Shirkadda iyo shaqaalaheediiba loo xiray, balse wararka qaar ayaa sheegaya in loo heysto daabicidda Boorar looga horjeedo Madaxweyne Farmaajo ee loo adeegsado bannaabaxyada ay Muqdisho ka abaaulaan Mucaaradka iyo warqadihii Daabacadda Kulankii Mucaaradka ku martiqaadeen Dadkii ka qeyb galay.