Shirkada De La Rue oo loogu Baaqay iney Joojiso Daabacaada Lacagaha Somaliland..

Economie Somalia news

Qeylo dhaan ay soo saartay Hey’adda Sahamiye Foundation ayaa ugu baaqday Shirkadda De La Rue oo caan ku ah Daabacaada Lacagaha inay dib u qiimeyso Qandaraaska ay kula jirto Baanka dhexe ee Maamulka Somaliland oo ay ku daabacday lacag dhan 380-Bilyan oo shilinka Somaliland ah….

Hey’adda ayaa ka digtay cawaaqib dhaqaale, anshax, iyo Sharci oo ka dhalan kara daabicista Lacagta isla markaasna ka sii dari kara Xaladaha Nolosha adag, Faqriga iyo Sinnaan la’aanta Degaanada Maamulka sheegto, Daabacada mugga lacagta gudaha ah ee lagu shubo dhaqaalaha Somaliland ee u badan Lacagaha dollars ahi ayaa welwelka weyn ku hayaa Ganacsatada iyo Dadka Dan yarta ah.

Daabacaadaan ayaa waxaa laga cabsi qabaa qulqulkaani inuu si gaar ah u saameeyo dadka nugul iyo kuwa dakhligoodu hooseeyo, Qiima dhaca la filayo ee shilinka SL, oo ka ahaa 8,750 ilaa in ka badan 20,000 SL halkii dollar, ayaa sii kordhinaysa cabsida laga qabo.

Shilinka SL waxa soo gaaray qiimo-dhac aad u weyn ilaa bartamihii 2000, taasoo loo aanaynayo daabacaad xad dhaaf ah, Qiima dhacan ayaa si aan xad lahayn u saameeyay dadka saboolka ah, iyadoo ay ka faa’iidaysanayaan shirkadaha sida De La Rue. Ku beddelashada wax kala iibsiga ee ka yar $100 ee lacagta gudaha ee qasabka ah ayaa ka xayuubisay awoodda ay u leeyihiin dadka saboolka ah inay ka ilaaliyaan hantidooda qiimo-dhaca joogtada ah.

Bixinta qandaraaska De La Rue, iyadoo la hareer maray Nidaamka wax iibsiga ee caadiga ah ee tartanka furan iyo ansixinta Golaha Degaanka, ayaa kor u qaaday arrimaha daahfurnaan la’aanta iyo Shirkada oo lagu eedeeyay iney Macaash raadin, Walaacaas waxaa sii weyneeyey De La Rue ku lug lahaanshihii hore ee fadeexadaha iyo baaritaannada musuqmaasuqa.

280580cookie-checkShirkada De La Rue oo loogu Baaqay iney Joojiso Daabacaada Lacagaha Somaliland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com