Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland Mr.Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo boqolaal askari kula hadlaayay duleedka degmada Beledxaawo ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somalia iyo Agaasimaha NISA iney faragalinta ka daayaan gobolka Gedo….
Waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay dowladda Federaalka ay degmooyinka gobolka Gedo ay diyaarado ku daadgureysay ciidamo ay ku sheegtay iney yihiin kuwo la dagaallamaya Kenya laakiin u jeedada laga leeyahay ay tahay in lagu caburiyo shacabka Gedo.
Wasiir Cabdirashiid, ayaa sheegay in wixii dhibaato ah oo ka dhasha Ciidamadaasi uu Mas’uuliyadooda qaadi doonaan Mr.Farmaajo oo sheegay in meeshii uu degaan ahaan uu kasoo jeeday uu ciidamo ku qabsanaayo, isla markaasna uu qorsheystay inuu baro kiciyo.
Ugu dambayntiina wasiirka Amniga ee maamulka Jubbaland ayaa waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu iscasilo, oo uu qaato talooyinka uga imaanaya bulshada Soomaaliyeed si uusan dalku u burburin.