Kooxo Hubeysan ayaa maanta agagaarka Buundooyinka ku dilay 4-Ka tirsan Xoogaga Dharcada Ee NISA, kuwaasoo ka howlgala Ayaa ku Dilay Degmada Waberi Ee Gobolka Benadir…
Wararkaan ayaa tilmaamaya in 4-Askari ee la Dilay waxaa ka mid aheyd Haweeney sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Warsidaha Diinah.con news, iyadoo uu jiro Xubin kale oo NISA ka tirsan lagu dhaawacay, Kooxda argagixisada Shababka ayaa sheegtay dilka qorsheysan ee lagu fuliyay Xoogaga Dharcadka ee NISA, iyadoo xiliyadii ugu dambeeyay ay aad u kordheen iska horimaadka Kooxda Shababka Iyo Xoogaga Dharcadka NISA.
NISA ayaan ka hadlin Dhacdadaan lagu dilay Xubnaha ka tirsan Hey’addaasi, waxaana shaki ku jirin in xaalada Caasimadda ay noqotay “Allow Sahal Amuuraha”, iyadoo Kooxda Shababka ay qaraxyadii I bedeleen Dagaalka “Ku dhufo oo ka Dhaqaaq”.