Gaadiid Dowladda Leedahay Oo Qaad Lagu Qabtay

Somalia news

Ilo wareedyo amni oo xog ogaal ah, Ayaa Warsidaha Diinah.com news ayaa u xaqiijiyay in Ciidamada taliska Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan kuwa la howlgala saldhigga Kaaraan ayaa gacanta ku dhigay gaari nooca ah Cabdibile iyo Qooqan oo qaad si dhuumeeleysi ah kusoo gelinayay magaalada Muqdisho….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Gaadiikaan la qabtay ay kala lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Kuxigeenka Dowladda Federaalka Mr.Mahdi Guuleed iyo Taliyaha Ciidamada Boliiska Cabdi Xijaar, iyadoo Ciidamadaan iyo Gaadiidka la qabtay la geeyay Saldhigga Boliiska Kaaraan, kadibna waxaa u tagay Mr.Mahdi Guuleed si uu u soo daayo.

Taliyaha Ciidamada Boliiska Gobolka Bender ayaa amar ku bixiyay in Gaadiidka la qabtay in Cabdibilaha lagu wareejiyo saldhigga Hiliwaa, gaariga kale ee Qooqanta ahna saldhigga Kaaraan ay qaataan, Talaabadaan ayaa la sheegay inuu waji gabax kala kulmay Mr.Mahdi Guuleed.

73290cookie-checkGaadiid Dowladda Leedahay Oo Qaad Lagu Qabtay