Ma Dhabaa in Wadahadalo Qarsoodi ah oo Daaha Gadaashiisa ay ka Hagaayeen UAE uu Dhex maray Xasan Sheekh & Deni uu Burburay..

Somalia news

Ilo wareedyo Diblomaasiyadeed oo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in isku day Waan waan ay garwadeen ka ahaayeen Saraakiil UAE una dhaxeeyay Xasan Sheekh iyo Saciid Dani uu burburay kadib markii lagu guuldareystay in la xaliyo arrimo xasaasi ah oo u dhaxeeya Mas’uuliyiintaan oo aan wax xiriir ah yeelan muddo 8-9 Bilood…

Xogtaan ayaa sheegtay in Mr.Dani oo muddo xileedkiisu ka harsan tahay wax ka yar shan bilood lagu eedeeyay inuu maleegaayo muddo kororsi taasoo dhawaan ka dhalatay gacan ka hadal dhiig badan ku daatay u dhaxeeyay Xoogaga amaanka Maamulka iyo Xoogag hubeysan oo taabacsan mucaaradka bishii May ee sanadkan gudaha magaalada Garoowe ee Puntland iyo Ansixinta Wax ka bedelka Dastuurka, Mr.Deni ayaa wuxuu isku dayayey inuu isbahaysi cusub la sameeyo Villa Somalia, ujeedkiisuna waxa uu ahaa inuu meesha ka saaro isbahaysiga Siyaasadeed ee u dhexeeya qaar ka mid ah mucaaradka iyo dawladda Faderaalka ee Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu u magacaabay Mr.Cabdullaahi Maxamed Barre (Caato) oo qaraabo hoose yihiin inuu ka mid noqdo Xubnaha Guddiga PEC ee Doorashada oo sharci ahaantiisa lagu muransan yahay, Mr.Caato oo caan ka ah Baraha Bulshada inuu taageero u yahay Mr.Dani, cidii dhaleyceysana aflagaadeeya, Mr.Dani ayaa horey ugu fashilmay in Mr.Caato u magacaabo inuu Hogaamiyo Ururada Bulshada Rayidka ee PUNSAA.

Falanqeeyayaasha Siyaasada ayaa ku doodaya in Madaxweyne Dani uu wacad ku maray inuu muddo xileedkiisa kordhisan doono, bacdamaa aysan jirin tirakood sax ah oo heshiis lagu yahay iyo ansixinta Wax ka bedelka doorashada ee Xildhibaanada ay horseedi karto xasillooni darro siyaasadeed iyo amni xumo dheeraad ah oo ka dhacda degaanada Puntland inkastoo ay ku baaqeen daneeyayaasha in la qabto doorasho nabadeed oo la wada ogolyahay.

270140cookie-checkMa Dhabaa in Wadahadalo Qarsoodi ah oo Daaha Gadaashiisa ay ka Hagaayeen UAE uu Dhex maray Xasan Sheekh & Deni uu Burburay..