Ma Dhabaa in Dhaqadhaqaan iska soo Horjeeda ee Xoogag Hubeysan Laga Dareemay Magaalada Garoowe..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Xoogag aad u hubeysan oo ka amar qaata qaar kamid ah Siyaasiinta Mucaaradka ee u taagan Musharaxnimada Doorashada xilka Madaxweyne-nimada Puntland, ay xirteen degaano ka tirsan Xaafadaha magaalada qaarkood..

Wararka ayaa sheegay in Xoogaga ayaa diiday adeegsiga Wadooyinka iyo goobaha qaarkood, taasoo ay ka horeysay saacado ka hor oo la maqlay wararka ku-tiro-ku-teen ah oo la xariira iney kooxaha mucaaradka sheegeen iney dagaal isku diyaariyeen, markii ay urursadeen Maleeshiyaad iyo Gadiid dagaal, isla markaasna Dadka rayid ay cabsi ku abuurtay.

Dhanka kale Xoogag hubeysan oo isugu jira Hey’adaha Amaanka ee Puntland iyo kuwa Jufo hoosaadka Mr.Dani oo kasoo baxay magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso, halka kuwa taageersan laga keenay Waqooyiga Gaalkacyo, ayaa soo wada gaaray magaalada Garoowe, waxaana la xaqiijinayaa iney kusoo baxeen amarka Madaxtooyada, iyadoo xaalada Amaan ee magaalada la sheegay in saacadihii ugu dambeeyay uu hoos u dhac ku yimid laga cabsi qabo inuu ka qarxo dagaal.

Xoogaga hubeysan ee Daacada u ah Maamulka Muddo xileedkiisu gababsiga yahay ee Puntland oo fariisin u ah Xerada Ciidamada 53-aad ayaa qeybo kaga sugan magaalada, inkastoo aan la soo sheegin wax dhaqdhaqaaq cusub oo xeryahooda laga sameeyey.

288250cookie-checkMa Dhabaa in Dhaqadhaqaan iska soo Horjeeda ee Xoogag Hubeysan Laga Dareemay Magaalada Garoowe..