Sheekh Shariif Oo Ka Cudur-daartay Kulanka Garoowe

Somalia news

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheikh Axmed ayaa ka Cudurka-daartay ka qeyb galka Kulanka iyo doodaha Ee Heritage oo lagu falanqeynaayo “ Sidee looga bixi karaa kumeel gaarnimada Daba-dheeraatay 2025-ka” ee ka socda Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Sheikh Shariif, uu ku sababeeyay ka maqnaanshaha Kulankaasi, isagoo ay u yaalaan howlo badan oo muhiim ah, sidaasina uu kaga baaqday, waxaana wararku ay sheegaayaan in Magaalada Muqdisho uu Sheekh Shariif ka sii wadi doono kulamada looga soo horjeedo Maamulka Farmaajo iyo Guddiyada Doorashooyinka ee lagu murasan yahay.

Sidoo kale, Dooddaha Machadka Heritage ee Garowe waxaa sanadkan ka qeyb galaya inta badan madaxda maamul goboleedyada kuwaas oo qaarkood khilaaf adag uu kala dhaxeeyo Dowladda Farmaajo uu hoggaamiyo.

82610cookie-checkSheekh Shariif Oo Ka Cudur-daartay Kulanka Garoowe