Waan-waantii Laga Dhex Waday Ciidamada iyo Dowladda Federaalka Oo Aan Xal Laga Gaarin

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Waan waan hoose iyo wada hadalo loogu kala dab qaadayay Hogaamiyaha Ciidamada Guutada 3-aad ee Dowladda Federaalka oo Muddo 3-sano ah aan wada shaqeyn kala dhaxeyn Talisyada Dowladda Federaalka ayaa weli miro dhal noqon…

Wada hadalkaan oo ay garwadeen ka yihiin imamkii hore, Ugaaska Beelaha Mudulood, Taliyaha Ciidamada Dowladda iyo Maxamed Dhagaxtuur, waxeyna muddo dhowr maalmood ah wada hadal kula jireen Taliyaha Guutada 3-aad (Col.Saney Cabdulle) ee Ciidamada ka gadooday Dowladda Federaalka kuna sugan waqooyiga Duleedka Magaalada Muqdishu, Sarklka tirsan Ciidamada ayaa sheegay ineysan is qaban Waan waan, Wada hadal iyo diyaargarow dagaal.

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in Wada hadalkaasi uu weli dhamaan kadib markii ay soo baxeen Dhaqdhaqaaq Ciidan oo 3-habeen Ee u dambeysay uu waday Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Biixi oo qaraabo la ah Mr.Farmaajo uu Ciidamo ( NISA, Gorgor iyo Haramcad) ku uruursaday 3-aag ee Degmada Heliwaa si uu u weeraro Ciidamada G/Sare Saney.

G/Sare Saneey Cabdulle ayaa boqolaal askari, gaadiid dagaal iyo ciidan badan ku heesta duleedka waqooyi ee Muqdisho, waxaana la sheegaa inuu dhowr jeer diiday wareejinta ciidankaas, sababo la xiriira inuusan ku qanacsaneyn Maamulka Villa Somalia.

Ciidan isku dhaf ah oo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka ayaa saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa duleedka degmada Heliwaa, waxeyna dadka degaanka iyo Muqdisho ka dhax dhalisay hadal heyn badan, talaabadaan oo shaki gelisay In maalmaha soo socda uu dagaal ka qarxo labada Ciidan, iyadoo degaanka durbadiiba laga dareemay Qax iyo Cabsi dagaal.

82920cookie-checkWaan-waantii Laga Dhex Waday Ciidamada iyo Dowladda Federaalka Oo Aan Xal Laga Gaarin