Xoogaga Amaanka Boorame Oo Xabsiga Dhigay Haweeney

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boorame Ee Gobolka Awdal ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka Magaalada ay xabsiga u taxaabeen Haweeney is-hortaag ku sameysay tiro dhalinyaro ah oo dhaqaale lagu siiyay iney gubaan Calanka Soomaaliyeed…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Haweeneydaan lagu magacabaabo Degen Miraash, iyadoo la sheegay in Xoogaga Amaanka Magaalada ay horey laba jeer ugu xireen, kadib markii lagu Eedeeyay iney qolkeeda huifkar ku xardhatay Calanka Soomaaliyeed, Waxaa la sheegay in lagu xiray xabsiga Boliiska Magaalada Boorame.

Talaabadaan ayaa ku soo beegmatay xili lagu guda jiro Todobaadka Xoriyyada Somalia iyo Djibouti, Maamulka Hargeysa ayaa in muddo ah dagaal kula jira Dadka degaanka ee taageersan Calanka Somalia, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Siyaasiyiinta Degaanka ay dhaqaale ku bixiyeen in la gubo Calanka Soomaaliyeed si loo raali geliyo Maamulka Muuse Biixi.

127140cookie-checkXoogaga Amaanka Boorame Oo Xabsiga Dhigay Haweeney