Waxaa xoogeysanaya cabsiga laga qabo in Kooxo ka tirsan maleeshiyaadka Shababka ay qalalaaso iyo fowdo ula abuuraan tartanka kama dambeyska (Final-ka)e Ee koobka maamul goboleedyada dalka, kaasoo maanta ay ku loolamayaan maamul goboleedka Galmudug iyo Gobolka Banaadir…
Ilo amaan ayaa sheegay in Ungyo ka tirsan Kooxaha Naftood haligayaasha ah, oo horey loo soo geliyay Magaalada Mogadishu ayaa laga cabsi qabaa iney isku qarxiyaan Dadka Maanta ka qeyb galaaya Daawashada Ciyaartaasi, islamarkaana dhacdo fowdo sababi karta in ay ka dhalato dhimasho iyo dhaawac sidii hore u dhacday.
Laamaha Amaanka ayaa Kulan ay yeesheen dib ugu dhigay Ciyaarta oo shalay lagu waday iney dhacdo, sababo aan la shaacin, waxeyna digniin ka soo saaray ciyaarta kama dambeysta ah oo dad badan ay ka soo qeyb galayaan.