Weerarkii Hoteelka Iyo Natiijooyinka Laga Filan Karo Xalinta Khilaafka

Somalia news

Nidaamka Dowladeed Ee dimuqaraadiyada ku dhisan uu dalka Somalia Muddo Ku Soo dhex jiray, isla markaasna si nabadeed xilka loogu kala wareegaayay, ayaa waxaa markii uu qabtay Xilka Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo 4-sano ka hor, wuxuu u dhaqmaayay sidii kali taliye xukunka boob ku yimid….

Maamulkaan ayaa ku dhiiriday inuu Burburiyo Maamul Goboleedyada dhibka iyo dhaqaalaha badan lagu bixiyay wuxuu ku bedelay kuwo nacam-layaal ah oo isaga ka amar qaata marka laga reebo Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Xilka ka dhamaaday ayaa 19-kii Bishaan wuxuu amray in la weeraro Madaxweynayaal Hore oo degenaa Hoteelka Maa’ida, isagoo isku diyaarinaayay Banaanbaxyo Nabadeed, sidoo wuxuu amray in la rasaaseeyo Banaanbaxyaal isu soo baxay oo dalbanaayay Qabashada Doorasho.

Talaabadaan Ayaa Dalka u horseeday inuu galo Qalalaase siyaasadeed iyo mid Amni, iyadoo Dalalka Aduunka ay ku baaqeen in Xaaska la qaboojiyo Dhinacyada Soomaalidana ka xaliyaan Khilaafka jira isla markaasna joojiyaan gacan ka hadalka, waxaa la isla fahamsan yahay in xaqiiqooyinka Xal waara u baahan yihiin:-

-In Dalku uu Cagta Saara Qalalaase Siyaasadeed iyo Mid amni Oo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu Awoodin inuu ka saaro.

-In Farmaajo oo gacmihiisa Dhiig ku geystay uusan xiligaan ka mid noqon karin Dhinacyada xal nabadeed Dalkaan ku hogaamin kara, loona baahan yahay in la Maxkamadeeyo isaga Kooxda gacanta ku siisay.

-In Hey’adaha Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay awoodi waayeen Xalinta Khilaafka dhexdooda ah wadada kaliyah Ee xalka lagu gaari karo ay tahay in dhinac 3-aad oo ka qeyb gala dhex dhexaadinta hadiiba ay suurto gal tahay.

96490cookie-checkWeerarkii Hoteelka Iyo Natiijooyinka Laga Filan Karo Xalinta Khilaafka