Farmaajo Oo Diiday Inuu La Kulmo Guddi Dhexdhexaadin

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Guddi ka socday qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka ah oo wajigabax kala kulmay Xafiiska Madaxweyne Mr.Farmaajo kadib markii ay u suurto geli weysay inay la kulmaan Madaxweynaha, ballamo dhowr ah oo loo dhigay Guddiga ayaa sidoo kale waxaa adkaatay iney fulaan…..

Xubno ka tirsan Guddiga ayaa si hoose u sheegay Warsidaha Diinah.con news  iney ku adkaatay la kulanka Madaxweynaha si ay u gaarsiiyaan talooyinka bulshada rayidka ah ee sida ugu habboon ee lagu soo afjari karo khilaafkan daba dheeraaday ee la xiriira doorashooyinka, balse waxa ay sheegeen in ay la soo kulmaan dhinacyada kala duwan ayna ku dadaali doonaan in ay la kulmaan Madaxweynaha, iyagoo dhinaca kale rajo wanaag ka muujiyey in la heli karo xal Soomaaliyeed iyadoo aysan imaanin faragelin dibedda ah.

Guddigaan oo ka kooban xubno magac ku leh Bulshada, Culumaa’udiin iyo Ganacsato ayaa waxa ay isku xilsaareen in ay xal u helaan ismari waaga siyaasadeed ee Guddiyada Doorashada Dalka, waxa ayna hore ula kulmeen Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha kuwaasoo ka ogolaadey in ay sameeyaan dhex-dhexaadin xal loogu helo khilaafka taagan ee hirgelinta doorashooyin la isla wada oggol yahay.

87030cookie-checkFarmaajo Oo Diiday Inuu La Kulmo Guddi Dhexdhexaadin