Halista Amni Ee Burcad-Badeedka Oo Laga Digay

Somalia news

Hey’ad caalami ah oo ka shaqeysa arrimaha badaha ayaa ugu baaqday maraakiibta shisheeye inay feejignaadaan marka ay gudbayaan badda Carabta iyo Gacanka Cadmeed cabsi la xiriirta burcad badeedka Somalia, Inkastoo ay hoos u dhacday burcad-badeednimadii ka jirtay Xeebaha Dalka, ayaa haddana Hey’adda waxa ay sheegtay inay qatarta burcad badeednimada weli ka jirta Gacanka Guinea….

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay Rugta Ganacsiga Caalamiga ah ee Xafiiska Badaha Caalamiga ah (IMB) ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax weerarro burcad-badeednimo oo la soo sheegay sannadihii 2019 iyo 2020.

Sannadkii 2018, IMB waxa ay sheegtay in saddex markab ay soo sheegeen in lagu rasaaseeyay Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Somalia, Badda Carabta iyo Badweynta Hindiya.

Iyadoo fursadda dhacdooyinka ay yaraatay, haddana burcad-badeedda Somalida waxay wali leeyihiin awood iyo karti ay ku fuliyaan falalka afduubka” ayay IMB ku sheegtay warbixinteeda sannadlaha ah ee burcad-badeednimada, iyadoo sheegtay in qatarta ay weli ka jirto biyaha ku teedsan Koonfurta Badda Cas, Gacanka Cadan oo ay ku jiraan Yemen iyo xeebta waqooyiga Somalia, badda Carabta, Gacanka Cumaan iyo xeebta bari iyo koonfurtaba.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in hoos u dhaca ku yimid Falalka burcad badeeda ay tahay taageero amni oo la siiyay shirkadaha maraakiibta isticmaala badweynta Hindiya oo sanadihii la soo dhaafay bartilmaameed u ahaa burcad badeeda.

87000cookie-checkHalista Amni Ee Burcad-Badeedka Oo Laga Digay