Xiisada Magaalada Boosaaso Oo Go’aan Dhinac ah Laga Soo Saaray

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Shan kamid ah Isimada Dhaqanka Puntland, ayaa xalay go’aanno ka soo saaray xallinta murankii u dhexeeyay dowladda iyo PSF, talaabadaan ayaa noqoneysa mid aan xal u keeneynin muran taagan..

Qoraal ka kooban lix Qodob, oo ka soo baxay Isimada ayaa lagu go’aamiyay in Madaxii Hey’adda Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Hogaanka PSF, lana heshiisiiyo isaga iyo dowladda, Odayaasha Dhaqanka ee uu hoggaaminayo, Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladda Puntland ka laabato Heshiiskii Dekedda Boosaaso ee DP World.

Waxey kaloo go’aamiyeen in 17% Dhaqaalaha Dekedda Boosaaso dib loogu celiyo magaalada, islamarkaana gacanta loo geliyo Isimada dhaqanka, Go’aankaan ayaa waxaa ka gaabsaday Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Puntland.

Go’aankan kasoo baxay Isimmada Gobolka Bari ayaa imaanaya xilli magaalada Boosaaso ay ku sugan yihiin Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, iyo Isimmo fara-badan, oo ay hoggaaminayaan Suldaanka Guud ee Beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, iyo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

161600cookie-checkXiisada Magaalada Boosaaso Oo Go’aan Dhinac ah Laga Soo Saaray