Shababka Oo Dagaal Kula Wareegay Degaano Galmudug Ka Tirsan

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanada Ceeldheere oo qiyaastii 30km u jira degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in dagaal kooban oo xalay halkaa ka dhacay kula wareegeen Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka…

Wararka hordhaca Ciidamo Boliis ah oo ku sugnaa saldhig deegaanka iyo Barkootarool oo la dagaalamay Shabaabka ayaa markii dambe looga itaal roonaaday, waxaana lagu soo waramyaa in goobta ay ku dhinteen labo Askari oo ka tirsanaa ciidamadii la dagaalamay Shababka halka labo kalana ay dhaawacmeen.

Dhinaca kale warar ka imanaya deegaanka Tuulo Xoosh oo ka tirsan degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa in isla xalay koox ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Shababka ay la wareegeen kadib dagaal dhaxmaray Dadka Degaanka iyo Shababka, Deeganka Wisil waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowlad gobolleedka Galmudug oo maamula deegaanadan la sheegay in ay la wareegeen Kooxda Shababka.

87060cookie-checkShababka Oo Dagaal Kula Wareegay Degaano Galmudug Ka Tirsan