Dhibaatada Ay Ku Hayaan Jaamacadaha Bixiya Shahaadooyibka Bugta Ah

Somalia news

Jaamacadaha ayaa aalaaba waxaa loo fishaa goobaha ugu waaweyn ee lagu rumeeyo riyooyinka nolosha iyo xaqiijinta himilooyinka, Adduun lacageed ayaa uga baxa ardayda aqoon-doonayaasha ah, iyagoo bixinaya waqti, Maskax iyo Xoolo nafhurnimo leh si ay u dhigaan diiwaan iyo taariikh cusub…. 

Balse qaar kale ayaa sidooda oo kale heli kara fursadaasi iyagoo u maraya hab iyo dariiq kale oo ka fudud kana gaaban, Umana baahna inay xaadiraan fasallada, joogteeyaan casharada ama ay u fariistaan imtixaanaadka, Waxa kaliya oo ay u baahan yihiin waa bixinta dhaqaale adag si ay u iibsadaan shahaadooyinka ugu sarreeya heerka tacliinta sare.

Jaamacadaha bixiya wax-barashada online-ka waxay hadda u muuqdaan kuwo magac-uyaal ah oo aan lahayn mabaa’di dhaqan Jaamacadeed, Waana mid dunida oo dhan ay ka muujinayaan walaac xoogan, Dalka Somalia Waxaa soo shaac baxaaya Shaqsiyaad laba jibaar dhaqaale ah ku bixinaaya sidii ay Shahaado Jaamacadeed u helaan kadibna Xilal Dowladeed lagu aamino.

Dukumenteri ay Warbaahinta Al-Jazeera ka diyaarisay qaadashada shahaadooyinka been-abuurka ah ayaa daahrogay xaqiiq qaraar badan oo dunida oo dhami la fajacday halkaas oo jaamacado sheeganaya inay bixiyaan koorsooyin online ah ay suuqa madow ku iibiyaan shahaadooyin ay ku qoran yihiin ku dhawaad kulliyad kasta iyo laamaheeda oo qofkii soo dalbada loogu dhigayo magaciisa.

Shirkadda Axact oo ah mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn dhinaca IT-ga dalka Pakistan, ayaa  sidoo kalana sheegata inay tahay tan dunida oo dhan ugu weyn ayaa la ogaaday inay hosting ama hoy u tahay kala bar jaamacadaha sheegta inay bixiyaan koorsooyin online ah dunida oo dhan.
Mana ahan oo kaliya degree-ga hore iyo kan labaad ee shahaadada jaamacadda. xitaa marqaatiga ugu sarreeya ee pHd ayay ku siin karaan. Waxa kaliya oo kaa hor istaagi kara hanashada shahaado jaamacdeed, marka la joogo dunida jaamacadaha online-ka ah, waa lacag oo kaliya.

Dowladda Maraykanka waxay sheegtay in Jaamacadaha sheegta inay bixiyaan wax-barasho iyo shahaadooyin online ah inay dhaceen adduun dhan 140-Millions US$, Qaar badan waxay ka dhigeen xubeer fara maran. In kalana waxay soo hor istaajiyeen fadeexo iyo ceeb.

Balse walaaca ugu daran wuxuu yahay sida laga yeeli doono shaqsiyaadka shahaadooyinka ka qaatay jaamacadahaasi kuwaasoo Jagooyin muhiim ah kaga haya howlaha qaran iyo kuwa heer bulsho ee waddamadooda lagana yaabo in si buuxda loogu aaminay mas’uuliyad aysan aqoon buuxda u lahayn gudashadeeda.

Waxaana ku jiri kara dhaqaatiir sameeyana qaliimada kala duwan iyo injineerro dhismaha guryaha iyo waddooyinka loo xilsaaray iyo kuwo siyaasada, Amniga iyo dhaqaalaha lagu aaminay.

Si kastaba, tani waxay bar madow ku noqoneysaa halganka iyo dadaallada ay bixiyaan jaamacado badan kuwaas oo jiilka ay soo saarayaan marinaya tijaabo adag kahor inta aysan guddoonsiin marqaatiga jaamacadda.

87440cookie-checkDhibaatada Ay Ku Hayaan Jaamacadaha Bixiya Shahaadooyibka Bugta Ah