Yaa Buuxinaaya Kaalintii Ay Ciidamada USA Ay Baneeyeen Ee Somalia

Somalia news

Waxaa la xaqiijiyay in Jimcihii lasoo dhaafay ee 15-ka Jan 2021, in cutubyadii ugu dambeeyay uguna badnaa ee ciidamada Mareykanka Somalia kusugnaa ay ka daadgureeyeen, isla markaasna lagu lagu qaaday Doonyo dheereeya si loo geeyo Markabka Dagaalka Ee Nimitz oo ku sugnaa Xeebaha Magaalada Muqdisho….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Hubkii, Keydkii Rasaasta, Gadiidka Dagaalka iyo agab kale ay rarteen Ciidamada Mareykanka, kadib markii la fuliyay Amarka Madaxweynaha Dowlad Mareykanka Ee Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Mr.Donald Trump, Ciidamadaan ayaa la sheegay iney inta badan loo qeybin doono Fariisimada Lamu (Kenya) iyo Jabuuti halka inta kale dib loogu celinaayo Dalka Mareykanka.

Fariisimada uu saldhigay Mareykanka ayaa kala ah, Xerada Xalane oo saaran Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, Garoonkii Ciidanka Cirka Soomaaliya Balli-doogle oo caasimada u jira 100 KM, Kismaayo oo 500 KM fogaan ahaan u jirta Xarunta Dalka, Boosaaso oo Waqooyi-Bari ah & Magaalada Gaalkacyo oo Bartamaha ah, waxeyna Tababareen ku dhowaad 1500 Oo Ciidamada Danab ah kuwaasoo ka taageerayay Dhanka Isgaarsiinta, Howlgelinta Dagaalada,Saadka iyo Sahayda.

Yaa Buuxinaaya Kaalintii Ay Baneeyeen:-

Inkasta Saraakiisha Mareykanka ay sheegeen in aysan joogsan doonin duqeynta ka dhanka ah Kooxda Shababka, balse waxaa doodi ka taagan tahay Yaa Buuxinaaya Kaalintii uu baneenayay, waxaa jira warar is khilaafsan oo ka soo baxaaya Dowladda buuxin doonta Kaalintaasi.

Dowladda Turkiga, oo saldhigg Ciidan iyo mid Tababaro ku leh Magaalada Mogadishu isla markaasna gacanta ku heysa Tababarka Ciidamada Gorgor (Xoogga Dalka) iyo Kuwa Boliiska (Haramcad), ayaa u muuqata iney diyaar u yihiin iney buuxiyaan kaalintii ay baneeyeen Ciidamada Mareykanka inkastoo taageeradooda dhaqaale ay xadidan tahay ayna ku deeqeen Dowladda Federaalka Tiro (5) drones ah.

Dowladaha China iyo Russia ayaa la sheegay iney daneynayaan iney buuxiyaan Kaalintii Ciidamada USA Ay baneeyeen, inkastoo aysan si rasmi ah u soo bandhigin, balse uu yahay warar ku tiri ku teen ah.

87410cookie-checkYaa Buuxinaaya Kaalintii Ay Ciidamada USA Ay Baneeyeen Ee Somalia