Maxaa Xiligaan Xilka Looga Qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan..

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayuu xilkii uga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, isagoo xilkaasi u magacaabay C/llaahi Axmed Maalin Sufuroow, xil ka qaadistaan ayaa lagu fasiray mid sal ku heysa khilaaf muddo soo jiitamaayay…

Wareegtadaan kasoo baxday Madaxtooyada Hirshabelle waxaa lagu sheegay in xil ka qaadistan ay timid kadib markii madaxweyne Guudlaawe uu fuliyay talo soo jeedinta kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed oo Jeyte ay reer hoose ay yihiin, Mr. Sufuroow waxaa la faray inuu deg deg ula wareego xafiiska, isla mar ahaantaasina uu dar dar galiyo shaqada Xafiiskiisa.

Bilihii u dambeeyay waxaa taagnas Khilaaf soo jeetimayay oo Jeyte kala dhexeeyay Maamulka Hirshabelle iyo Madaxtooyada Villa Somalia, wuxuuna saluug ka muujinayay arrimo ay usoo jeediyeen, Dad badan ayaa rumeysan inuu Cali Jeyte astaan u ahaa la dagaalanka kooxda Shabaabka, wuxuuna hormuud u ahaa wajigii 1-aad ee dagaalka kooxdaasi oo dhul balaaran oo Hiiraan ah looga saaray.

261380cookie-checkMaxaa Xiligaan Xilka Looga Qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com