EU-da Oo Dhaqaale Ku Maalgelineysa Somalia

Somalia news

Midowga Europe ayaa shalay shaaca ka qaaday iney maalgelinayaan Barnaamijyo hormarineed oo ku baxaaya dhaqaale dhan 11,8 Million Euro ah una dhiganta (14,3 Million US$) Dalka Somalia, dhaqaalaha ayaa lagu maalgelinayaa ganacsiga gaar ah Ee Somalia…

Wararka ayaa sheegaya in Mashaariicdan si weyn loogu dardargelin doona howlaha Midowga Yurub ee Somalia, iyadoo iskaashiga cusubi u suuragelin doono hay’adaha maaliyadeed inay si guul leh u siiyaan maalgelin ku habboon shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexe ee maxalliga ah, iyagoo ka taageeraya jawiga maalgashiga, sida lagu sheegay bayaanka EU-da.

“Daahfurka saddexda mashruuc oo shirkadaha gaarka loo leeyahay ah, ayaa ku baxaaya (11.8 milyan euro), deeqdaan oo ka kooban maaliyadda soo noqnoqda,dammaanad qaadka amaahda, kaalmada farsamada, iyo iskaashiga si loo hagaajiyo jawiga ganacsi ee soo jiidan kara maalgashadayaasha reer Yurub ee Somalia, Deganaanshaha Dalka wuxuu keenayaa barwaaqo,” ayuu danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ku yiri bartiisa Twitter-ka.
91780cookie-checkEU-da Oo Dhaqaale Ku Maalgelineysa Somalia