Danjiraha UK Oo Qancin Ugu Tagtay Midowga Musharixiinta

Somalia news

Kadib markii Danjiraha UK Ee Somalia ay Warqadaha Aqoonsiga u gudbisay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, ayaa waxaa qeylo dhaan ka keenay Midowga Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta Soomaalida kuwaasoo ku Eedeeyay Danjiraha UK.Mrs.Kate Foster, Isla markaasna ay aysan Arrimaha Doorashada aysan dhexdhexaad ka noqon karin bacdamaa ay Sharciga xiriirka Caalamiga ah ay meel uga dhacday….

Mrs.Foster ayaa Kulan muqaal arag fog la yeelatay Mas’uuliyiinta Midowga Musharixiinta ayaa sheegtay in muddo ay Joogtay Magaalada loo baahan yahay iney ka qeyb qaadato Xalinta Khilaafka Doorashada, isla markaasna ay kulamo la qaadato qeybaha kala duwan Ee isku haya Siyaasada Dalka, waxeyna sheegtay iney diyaar u tahay iney Ka qeyb qaadato Xalinta Khilaafka Doorashada iyo qodobada kale Ee la isku hayo.

Wararka ayaa sheegay in Danjiraha UK iyo Mas’uuliyiinta Midowga Musharixiinta ay isla meel dhigeen in loo baahan yahay in laga qeyb qaato sidii Dalka looga qaban lahaa Doorasho dadban oo wadar oggol ah kuna dhacda si nabad ah, si looga baaqsado in Dalka dib loogu celiyo Nidaam La’aanta iyo Qalalaase Siyaasadeed.

101210cookie-checkDanjiraha UK Oo Qancin Ugu Tagtay Midowga Musharixiinta