Maxaa Ka Run in Khadka Talefonada ee 5G Loo Xiray Shirkad Xiriir la leh Agaasimaha NISA..

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa daaha ka rogaaya in Shirkad Isgaarsiineed oo cusub laguna magacaabo Dalkom Somalia Limited oo kaashaneysa Nationlink loo xiray iney Dalka soo gelin karaan kana howl gelin karaan Mashruucada Khadadka ee 5G ee dheereeya iyo qalabka Isgaarsiinta ee Shirkada China ee Huawei…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in qorshahaan ay wada dejiyeen Agaasimaha Hey’adda NISA iyo Mustaf Yaasiin Sheekh Maareeyaha Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyagoo dhawaan la xaqiijiyay iney iibsadeen Saamigii ugu badnaa ee Shirkadaha Nationlink iyo Dalkom, iyadoo labada Shirkadood isku rogern iney noqdaan iibiyaha Qalabka Isgaarsiinta gaar ahaan kuwa 5Gee Shirkadda Huawei farsameyso.

Ilo wareedkaan ayaa intaasi raaciyay in Hadaba hadii ay Shirkadaha Talefonada ee Golis, Hormuud, SomTel iwm ay rabaan iney qalab ka iibsadaan Shirkadda Huawei waa iney soo maraan shirkadaha isku biiray ee Nationlink iyo Delkom oo ay bixiyaan khidmado dheeri ah.

Dalal badan oo USA, UK Europe iyo kuwa kale ayaa joojiyay xiriirkii ay la lagaayeen Shirkadda Huawei sababo la xiriira Amaanka, iyagoo sheegay in Qalabka Shirkadda China ay basaasid iyo dhageysi ku sameeyaan Dalalka ay 5G Modeemi iyo Towers-ka ay sognalo iyo macluumaad sirdoon u gudbiyaan Dalka China.

292430cookie-checkMaxaa Ka Run in Khadka Talefonada ee 5G Loo Xiray Shirkad Xiriir la leh Agaasimaha NISA..