Dagaalka Degaanka Guricel Oo Galay Maalintii 3-aad

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guricel ayaa sheegsya in Dagaal xoogan uu maalintii 3-aad u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda oo garabsanaya kuwa Galmudug iyo Xoogaga Ahlu Sunna oo darafka kala ah, kaasoo dib uga qarxay goobihii uu xalay gabalka ugu dhacay…

Dagaalka waxa uu xoogiisu ka soconaya dhinaca waqooyi ee Magaalada Guriceel, gaar ahaan aagga Xarunta Jaamacadda, halkaas oo ay isugu taggeen Xoogaga Ahlu Sunna, shalay galabna uu labada dhinac ku dhex maray dagaal faraha looga gubtay.

Dagaalka haatan ka soconaya Magaalada Guriceel ayaa yimid, ka dib markii Ciidamada Dowladda ay isku dayeen inay isku ballaariyaan waqooyiga magaaladaasi, Ciidamada Dowladda ayaa iska caabin xoogan kala kulmaya Xoogaga Ahlu Sunna, mar kasta oo ay damcaan inay hareereeyaan oo ay go’doomiyaan xoogagaasi.

Xaaladda Magaalada Guriceel ayaa gebi dhacleynaysa, marka aad eegto sida aan weli loogu kala bixin dagaalka ka soconaya magaalada, Dhinacyada ayaa iska indha-tiraya waxyeelada muuqato ee ka soo gaaraysa dagaalkaasi, iyadoo Sabtidii iyo Axaddii ay kaga dhinteen Saraakiil iyo askar fara-badan oo labada dhinacba leh.

147610cookie-checkDagaalka Degaanka Guricel Oo Galay Maalintii 3-aad