Macluumaad ayaa laga helayaa Eedo loo jeediyay Mas’uuliyiinta Shirkadda Favori Ee Maamula Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu, iyadoo la sheegay iney Saraakiisha Wasaarada Cadaalada ka bixiyaan safarada iyo Tikidhada Diyaarada, si aan Dacwado loogu soo oogin….
Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha Guddiyada shaqaalaha Ee heer Federaal ( Federaal of Somali Employee FESTU), ayuu ku eedeeyay Mas’uuliyiinta Shirkadda Turkiga Ee Favori iney Shaqaalaha Soomaalida Ee u shaqeeya ay ku xadgudbaan xuquuqda shaqaalaha, islamarkaana si joogta ah ugu cago jugleyaan, qaarkoodna shaqada ka eryay si ka baxsan Shuruudo dalka iyo xeerarka caalamiga ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in Mr.Cabdulqaadir Nuur Jamac Wasiirka Cadaalada Somalia iyo Xubno ka tirsan Wasaarada iyo Maxkamadaha ay Madaxda Shirkadda Favori LLC, lagu Eedeeyay iney fara gelin ku hayaan Dacwado laga gudbiyay Mas’uuliyiinta Shirkadda Favori.
Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Saraakiishaan ay Mas’uuliyiinta Shirkadda Favori ugu abaal gudeen in Wasiirka Cadaalada, Xubno qaraabadiisa ah iyo Mas’uuliyiinta Maxkamadaha in laga bixiyo kharashaadka ku baxay safar dalxiis oo ay dhowaan ku tageen Dalka Turkiga.