Shirkadaha Isgaarsiinta Puntland Oo Ka Baaqsaday Amaro Lagu Soo Rogay

Somalia news

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya in Madaxda Shirkaddaha isgaarsiinta ee ka howgalla Puntland ay dhaqan galin waayeen amar kasoo baxay Maamulka Puntland, kaasoo wax looga badalayay adeega lacagaha Mobile-ka la iskugu diro ee sahal iyo E-dahab….

Puntland ayaa shirkaddaha Golis iyo Somtel ku amartay in laga billaabo maanta oo sabti ah ay shirkadduhu joojiyaan in aan wax hal dollar ka yar la isku diri karin.

Tallaabadan ayay Puntland ku sheegtay in ay qeyb ka tahay dadaalo loogu jiro sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka ka jira degaanada Puntland oo gaaray heerkii ugu sareeyay abid, iyadoo weliba lacagtii shilinka Soomaaliga magaalooyinka qaarkood laga diidayo isticmaalkeeda.

Lama oga sababta shirkadduhu u fulin waayeen go’aankaan, iyadoo saakay la filayay inuu dhaqan galo, sidoo kale shirkaddaha isgaarsiinta dhankooda wax jawaab ah kamasoo saarin go’aanka maamulka Puntland.

76760cookie-checkShirkadaha Isgaarsiinta Puntland Oo Ka Baaqsaday Amaro Lagu Soo Rogay