Dowladda Turkiga oo u soo gurmaday Sanadkii 2011-kii Xiligii Dowladda KMG aheyd Ee Sheekh Shariif u soo gurmatay, kadib markii abaaro iyo cuduro faafa ay ku habsadeen qeybo ka mid ah Gobolada Dalka, islamarkaana u fidiyay Gargar iyo mashariic hormarineed, taasoo ay aad u soo dhoweeyeen Shacbiga Soomaaliyeed…
Xiligaan ayaa la sheegay in Siyaasada Dowladda Turkiga ayaa noqotay mid si qayaxan ula safatay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, kadib markii Hubkii iyo Saanadii ay ku deeqeen loo adeegsaday Caburinta iyo Cabsi gelinta Shacbiga Magaalada Mogadishu, isla markaasna lagu weeraray Madaxweynayaashii hore oo degenaa Hoteelka Maa’ida.
Khasaaraha Weerarka Hoteelka:-
Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Siddeed Askeri oo ku geeriyootay Weerarkii Hoteelka Maa’ida iyadoo 6-ka mid ah ahaayeen Ciidanka gaarka ah ee Gorgor oo Turkigu tababaray, qalabeeyey, hubeeyey islamarkaana gacantana maamula, sidoo kale Ciidamada Haramcad oo ay Tababaro gaaban u fidiyeen Macallimiinta Ciidamada Turkiga ee fariisinka ku leh Duleedka degmada Wadajir ee Magaalada Mogadishu.
Qalabeynta Ciidamada Gorgor & Haramcad:-
Dowladda Turkiga ayaa Dowladda Federaalka ku wareejisay 12 gaari oo ah nuuca gaashaaman August 2020, Gaadiidkan oo loogu magac daray (KIRPI) ayaa si gaar ah waxa loogu farsameeyay in looga hor tago “Jidgooyooyinka” waana gaadiid u adkeysta Noocyada minooyinka qaarkood, waxaa adeegsada ciidanka Gorgor, iyadoo isla August-2020 laga soo dejiyay dekadda Muqdisho 12 gaari oo kale oo ah nuuca ciidanku adeegado ee loo yaqaan “Off-road”, gaadiidkaas waxa la siiyey dufacadda saddexaad ee Gorgor.
Sidoo kale Dowladda Turkiga ayaa Dalka Somalia ugu deeqday November 2017, 450 Qori oo nuuca MPT-76 oo Turkiga lagu farsameeyay, balse goor dambe oo 2019 ayaa qoryahaan lagu wareejiyay ciidnka Gorgor, December 2020 iyadoo ay taagan tahay xiisadda doorashada ayuu Turkigu Somalia ka soo dejiyay 1000 qori oo nuuca MPT-76 iyo 150,000 oo rasaas ah oo si gaar ah loogu qalabeeyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Boliiska ah ee Haramcad. Waxaa lagu eedeeyaa Dowladda Ankara iney si bareer ah ula safatay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, kaasoo ku dhiiraday inuu gabood fallo ka geysto Magaalooyinka Dhuusamareeb & Muqdisho, Midowga musharrixiinta oo walwal ka muujiyay arrintaan ayaa qoraal ay uu u diray safaaradda Turkiga ku sheegay in tallaabada Turkigu ay halis ku tahay ammaanka dalka.
Janaury 2019, dowladda yar ee Qatar ayaa kasoo dejisay dekedda Muqdisho 68 Gaari oo ah nuuca Qafilan ee ciidamada, inta badan Gaadiidkaan waxaa lagu wareejiyay ciidamada Turkigu tababaro ee Gorgor iyo kuwa gaarka ee Madaxtooyada ilaaliya, taasina waxa ay muujisay wada shaqeyn saddex geesood ah oo ay Turkida iyo Qatar ku dhisayaan ciidan si toos ah uga amar qaata Mr.Farmaajo oo kadib muddo 4 sano ah oo uu hayey xilka Madaxweynaha ayaa ku guuldareystay inay dalka ku hago in dhacdo doorashada Dadban ilaa haatan diidan inuu Dalka Doorasho qabto.