Abuu Cubeyda Oo Sheegay In Horjoogaha Al-Qa’ida Uu Nool yahay

Somalia news

Horjoogaha Maleeshiyaadka Kooxda Shababka Axmed Diiriye ayaa soo duubay Cod fariin ah, isagoo kaga hadlay inuu nool yahay Hoejoogaha guud Kooxda argagixisada Al-Qa’ida Ayman Al-Zawahiri oo ka soo jeeda Dalka Masar, labada Horjooge ayaa xulufo ah oo isku tiirsan…

Horjoogaha Shababka ayaa laga maqlay Codkaasi isagoo amaanaaya Horjoogaha guud ee Kooxda Al-Qa’ida, isagoo sheegay iney sii wadi doonaan Dagaalka ay ka wadaan Bariga Afrika, afkaartoodana ku faafiin doonaan Caalamka, wuxuuna cadeeyay inuu Horjoogaha Al-Qa’ida uu nool yahay.

Wallow ay jiraan warar la faafiyay bishii Oktober 2020-kii inuu u dhintay Xanuuno muddo hayay, Horjoogaha Kooxda argagixisada Al-Qa’ida, ma cadda xiliga la soo duubay Codkaan, Horjoogahaan ayaa sidoo kale muddo sanooyin ah xanuunsanaaya, isla markaasna ku jiro dhuumasho, Waxaana hogaamintiisa hareysay khikaafyo iyo mursan kala dhaxeeya qaar ka mid ah Horjoogayaasha kuxigeenka u ah.

Horjoogaha Shababka oo Codkaan kaga hadlay weerarkii ay Kooxda ku qaaday xerada Ciidamada Mareykanka ee Manda bay Ee Kenya, iyadoo la soo bandhigay magacyada iyo Sawirada kooxdii weerarka fulisay iyo khasaarihii ay geysteen, waana markii ugu horeysay ay shaaciyaan weerarkaasi Kooxda Shababka.

84770cookie-checkAbuu Cubeyda Oo Sheegay In Horjoogaha Al-Qa’ida Uu Nool yahay