Horgalada Gobolka Gedo oo Hub ku Hor-istaagay 2-Diyaaradood oo Ka Degi lahaa Garbahaarey..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa isbaaro ay u dhigteen Horgalada hubeysan ee ka haray Maamulkii Farmaajo oo laba Diyaaradood oo ka duuleen magaalada Mogadishu, ayaa waxaa laga hor istaagay iney ku degaan garoonka diyaaradaha magaalada Garbahaarey…

Talaabadaan ayaa la sheegay iney ka dambeeyaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo xubno ku kala sugan Addis abeba iyo Dooxa, isbaaradaan ayaa la sheegay iney fuliyeen Horgalada Degaanka, iyadoo la la xiriiriyay diidmada Mas’uuliyiinta loo magacaabay iney hogaamiyasn Gobolka Gedo.

Gobolka Gedo ayaa mar kale todobaadyadii tagay wajahay xaalad go’doon ah dhanka Horumarka degaanka, Dowlad wanaaga iyo Isku xirka Diyaaradaha, waxaana la sheegay iney Afduub ku heystaan kooxo Siyaasiyiin iyo Horgalo kasoo jeeda Beesha Mareexaan kuwaasoo diidan in Maamul loo dhiso Gobolka.

Villa Somalia iyo Maamulka Axmed Mafoobe ayaa lasheegay inry ku fashilmeen iney xal waara ka gaaraan kooxaha Horgalada ah ee Afduubka ku heysta kuwaasoo qaarkood ay ku sugan yihiin Magaalada Mogadishu, waxaana lagu wadaa in isbedel lagu sameeyo Hogaanka Ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo si Maamulka loo hoos geeyo Maamulka Jubbaland.

260770cookie-checkHorgalada Gobolka Gedo oo Hub ku Hor-istaagay 2-Diyaaradood oo Ka Degi lahaa Garbahaarey..