Ajaanjiibta Oo Ka Xaqeysa Xarunta Amisom Ee Xalane

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Shisheeyihii (Ajaaniibta) ugu badneyd ayaa maanta isaga baxay xarunta Amisom ee Xalane, iyagoo ka cabsi qaba in dagaal sokeeye lagu soo qaado Madaxda Midowga Musharixiinta oo degan agagaarka Xarumaha Xalane….

Wararka hordhaca ah ayaa Warsidaha Diinah.con news ayaa u xaqiijiyay in Ajaaniibtan ay ka soo kala jeedaan Dalalka UK, GERMANY, USA, SOUTH AFRICA & kale, waxeyna u kala shaqeynayay shirkado iyo Safaarado ku yaalla xarunta Xalane.

Diyaaradaha maanta ka baxay Xamar, Soomaalida raacday iyo Ajnabiga waxaa badnaa ajaaniibta, taasoo caddeynaysa heerka Qalalaasaha siyaasadeed uu gaarsiin yahay xaaladda Magaalada Muqdisho ka taagan, iyadoo lagu sifeyn karo mid u jiheysatay Dagaal Sokeeye.

96730cookie-checkAjaanjiibta Oo Ka Xaqeysa Xarunta Amisom Ee Xalane