Wakiilada Beesha Caalamka Oo La Kulmay Madaxweyne Dani

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Kulan ay Maanta yeesheen Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland waxaana lagu qanciyay in aysan wax jawaab ah ka bixin Warqadii wiiftada Ee Villa-da laga soo tuuray xalay taasoo u muuqatay mid jahwareersan…..

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in Shirku uu ka dhici doono Teendhada Afisioni waxaana amaanka u Xil saaran Ciidamada Amisom oo sugaaya, Ajandihiisu waa cad yahay waxa kasoo baxa Beesha caalamkaa damaanad qaadaysa fulintoodaIntaas.

Beesha caalamku waxay xalay warqad udirtay Farmaajo ay ugu sheegayso in uu joojiyo carqaladaynta Shirka kadib hadalkii xoghayaha arimaha dibada Maraykanka, sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu Magaalada Mogadishu soo gaaro Madaxweynaha Dowlad goboleedka K/Galbeed.

Warqada Farmaajo waxay la mid tahay halhayskii ama maahmaahdii ahayd, “Caano Ninkii soo lisay loowada jeedo Ninkii rabaa ha sheegto”.

103330cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo La Kulmay Madaxweyne Dani