Dhaawacyo ka Dhashay Gaadiid Siday Bananbaxayaal lagu Weeraray Bam-Gacmeed Degmada Dharkeynley

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qaraxyo oo si gaar ah loogu beegsaday banaanbaxayaashii ka socday degmada Dharkiinleey ee shalay ka qeyb galay isu soo baxaasi, kaasoo lagu qabtay Stadio Cons, waxaana khasaaraha la soo sheegayaa inuu ku kooban yahay dhaawacyo…

Wararka ayaa sheegay in Qaraxyadaani oo loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro oo Saddex ahaa ayaa lala eegtay Gaadiid caasiyo ah oo ay saarnaayeen banaanbaxayaasha iyagoo marayay Buul-Xubeey iyo Dabakaayo Madow, sidoo kale Bab gacmeedka saddexaad ayaa lagu weeraray xarunta degmada Dharkiinleey.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa xaqiijiyay weeraradan oo dhacay xili ay dibad-baxayaasha xaafadohooda ay dib ugu laabanayeen, iyadoo dhaawacada durba loola cararay xarumaha caafimaadka.

236860cookie-checkDhaawacyo ka Dhashay Gaadiid Siday Bananbaxayaal lagu Weeraray Bam-Gacmeed Degmada Dharkeynley
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com