Xiriirka Sii Xumaanaya ee UAE ee Somalia & Qorshaha Guracan ee Burburka Xambaarsan..

Somalia news

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in Siyaasadda arrimaha dibadda ee UAE ee Geeska Afrika ay waayahaan ahayd mid muran badan dhalisay, gaar ahaan Malafka Somalia, Bilihii u dambeeyay, Maamulka Villa Somalia waxay u aragtay Taliska Abu Dhabi inay khatar ku tahay Madax-bannaanida, Midnimada, iyo Wadajirka Somalia, Inkastoo Imaaraadka iyo Somalia ay horraantii 2023-ka kala saxiixdeen heshiis amni oo lagu wanaajinaayo xiriirka labada dal, dhowr arrimood ayaa sababay khilaaf soo kala dhexgalay…

Tan Hore Baarlamaanka Somalia ayaa meel mariyay Sharci waxba kama jiraan ka dhigay Heshiiska lagu oggolaaday iney Shirkadda DP World maamusho Dekedaha Berbera iyo Boosaaso, ku darsoo UAE ayaa geed gaaban iyo mid dheer u fuushay sidii ay u kala dhantaali laheyd Midnimada & Wadajir Qaranka Somalia, waxeyna si hoose u dhiiri gelisay Heshiiskii Is-afgarafka ee Ethiopia iyo Maamulka Waqooyiga Somalia, iyagoo sheegay iney Maalgelinayaan Dekada iyo Wadada uu heshiiska dhigaayo.

Haatan Maamulka UAE oo ka careysan Xiriirka sii xoogeysanaaya ee Somalia la leedahay Dalalka Qatar iyo Turkey ayaa ku wargaliyeen Wasaarada Gaashandhigga Somalia in Qorshe ay ku joojineyso dhaqaalihii iyo Taageeradii ay ku kabi jireen Ciidamada Dowlada Federaalka, Dalka UAE uu taageero maaliyadeed u fidin jiray ilaa 8-Guuto oo ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka & kuwa Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Somaliland, UAE waxay joojiyeen lacagihii ay ku taageeri jiree 14,500 Askari kuwaasoo midkiiba Gunno ahaan loo siin jiray $331,9 Bishii, waxeyna ku kala sugan yihiin (Ciidamadaan) Degaano ka baxsan Muqdisho, Waxey kaloo taageero u fidin jireen 2-Guuto oo ilaalinaya magaalada iyo hal guuto oo gaar ah oo loo xilsaaray ilaalinta xarumaha muhiimka ah.

Go’aanka UAE ayaa ka tarjumaya dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee cakiran ee xiligaan ka taagan Geeska Afrika, waxeyna qorsheeyeen iney Xasilooni darro ka abuuraan Somalia, talabadaan oo laga yaabo iney muujiso isbeddel istiraatiiji ah oo saameyn ku yeelan kara siyaasadda arrimaha dibadda ee Somalia.

Khubaro ku xeel dheer arrimaha Somalia ayaa ka digay Qorshaha UAE, waxeyna hoosta ka xariqeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in Dowladda Federaalka ay tayeyso Hanaanka dowladnimada, wax ka qabato musuq-maasuqa la degay Xafiisyada Dowladda, iyo iney siyaasaddeeda arrimaha dibadda u beddesho mid hufan aan Dal kale ku xirneyn, hadii kale Sida Sudan ayaa dagaal lagu hoobto ka qarxi doonaa.

313430cookie-checkXiriirka Sii Xumaanaya ee UAE ee Somalia & Qorshaha Guracan ee Burburka Xambaarsan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com