Amaro & Digniino laga soo saaray Qeybaha Garoonka & Xalane

Somalia news

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo shaac baxaayay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowlada Federaalka & Ciidamada Amisom ee ilaalada ka ah Albaabada Garoonka Diyaaradaha, xiisadaan ayaa salka ku heysa Ilaalada & Hubkooda iney la galaan gudaha Garoonka & Qeybta Xalane….

Wararka ayaa sheegaya in Xiisadaani ay mararka qaarkood ay dhalisay in Hubka iska la iskugu goodiyo (Tusaale Ilaalada Cumar Finish), wixii ka dambeeyay shaqaaqadaan amar ka soo baxay Taliska ciidamada AMISOM ayaa lagu mamnuucay in wax hub ah lala galo xerada Xalane, halkaasoo inta badan ay Mas’uuliyiinta qaar la geli jireen ilaaladooda.

Amarkaan ayaa saameyn ku yeeshay Taliyaasha ciidamada oo ka mid ah liiska Mas’uuliyiinta Dowladda ee laga mamnuucay in ilaaladooda hubeysan ay la galaan gudaha Xalane, waxaan sidoo kale la yareeyey ilaalada iyo gaadiidka ay xaruntaas la galaan wasiirrada qaar ee xukuumadda Somalia, iyadoo Ilaalada Madaxda Soomaalida qaarkood la sheegay iney xiriir qarsoodi ah la leeyihiin kooxaha argagixisada.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Laga soo bilaabo albaabka laga soo galo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, Hotelka Decale iyo qeybaha kale ee howlaha muhiimka ah inay suura-gal tahay in Kooxda argagixisada Shabaabka ay beegsadaan.

Diblomaasiyiinta iyo howlwadeenada kale ee degan Xerada Xalane ayaa looga digay inay tagaan goobo ka baxsan xeyndaabka, maadaama ay soo kordheen qataraha muujinaya in la beegsa karo, isla markaana ay heleen digniino culus.

171650cookie-checkAmaro & Digniino laga soo saaray Qeybaha Garoonka & Xalane