Jadwalka Doorashada Kuraasta Boosaaso oo la hakiyay, & Sababta! 

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dib-u-dhac ayaa ku yimid shaacinta Jadwalka doorashada 8 kursi oo kamid ah 16 kursi ee Golaha Shacabka BJFS, ee doorashadooda lagu qabanayo magaalada Boosaaso ee caasimadda ganacsiga Puntland, iyadoo la sheegay sababo is biirsaday ay horseedeen…

Ilo-wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay, in Guddiga maamulka doorashooyinka ee heer Puntland lagu waday in 24-saac ee lasoo dhaafay ay shaaciyaan jadwalka 8 kursi, balse uu hakiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan Boosaaso.

Lama oga ujeedada uu Siciid Deni u hakiyay soo saarista jadwalka kuraastan, balse Wararka ayaa sheegay inuu culeys kala kulmay qaar kamid ah Isimmada gobalka Bari ee Beelahoodu leeyihiin kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ee doorashadoodu ka dhacayso magaalada Boosaaso.

Xubno kamid ah Guddiga SEIT ee Puntland ayaa sheegay inay dhici karto in la shaaciyo jadwalka kuraastan 24 saac gudahood, iyagoo ay jawaab ka sugi doonaan Madaxweyne Siciid Deni.

Puntland ayaa ilaa hada qabatay 15 kursi oo kamid ah 37 kursi ee Puntland ku matalaya Golaha Shacabka BJFS, kuwaas oo doorashadoodu ka dhacday xerada Ciidanka Daraawiishta 54-aad ee duleedka caasimadda Puntland ee Garoowe, Teendho laga dhisay gudaha garoonka diyaaradaha Boosaaso oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland ayaa la filaya in dhowaan lagu qabto 16 kursi.

171690cookie-checkJadwalka Doorashada Kuraasta Boosaaso oo la hakiyay, & Sababta!