FIFA Oo Kenya Ka Hakisay Dhamaan Howlaha Kubada Cagta

Africa News

Xiriirka Kubada Cagta Aduunka ayaa ka codsaday Dowlada Kenya iney ka laabato go’aankeeda ay ku joojisay kuna kala dirtay Xiriirka Kubada Cagta Dalkeeda, lana soo saaro guddi KMG ah, iyadoo sheegay iney diyaar u yihiin wada shaqeyn…

Dowladda Kenya ayaa 11-kii November 2021-kii soo saartay amar ay ku kala dirtay Xiriirka Kubada Cagta Kenya, isla markaasna magacaawday mid KMG ah, talaabadaan oo aad uga careysiisay Hogaanka FIFA, waxeyna ku goodiyeen iney xayiraada Kenya ay saarnan doonto inta dib loo soo celinaayo Xiriirka Kubada Cagta Kenya ee la doortay.

Xiriirka FIFA ayaa sidoo kale wuxuu ka joojiyay Dalka Zimbabwe xubinimadii Ciyaaraha kadib markii ay Dowlada faragelin ku sameysay Xiriirda Ciyaaraha, Dalalka Africa ayaa la sheegay in Xiriirada Ciyaaraha ay la dageen maamul xumo baahsan iyo Musuqmaasuq, iyafoo Xiriirka FIFA uu difaaco Saraakiisha Xiriirada ee lagu helo dembiyada kor ku xusan.

171620cookie-checkFIFA Oo Kenya Ka Hakisay Dhamaan Howlaha Kubada Cagta