Iyadoo Guud ahaan Dalka ay 33-dii sano ee u dambeysay ay caadi ka aheyd dhoofinta Biraha duuga ah, ayaa Xafiiska Hantdhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qoraal uusoo saaray ku wargeliyay Shirkadaha ku hawlan dhoofinta, Qodista iyo Ja-jabinta/buruburinta agabka Warshadaha dalka in ay si degdeg ah u joojiyaan…
Qoraalka kasoo baxay xafiiska Hantidhowraha Qaranka ayaa lagu sheegay iney jiraan Shirkado iyo Shaqsiyaad/Shisheeye ka ganacsadaha biraha duuga, oo la sheegay in ay bilaabeen qodista dhulka hoostiisa iyo sidoo kale xarumaha warshadihii hore ee dalka.

Hantidhowrka Qaranka ayaana amray in la joojiyo dhoofinta iyo qodista biraha, waxa ayna ku wargaliyeen shirkadaha dhoofiya biraha duuga ah in aysan fasax u heysan qodista iyo qaadshada qalabka yaala xarumaha Warshadaha Dalka.