Faa’idada SANJABIISHA & Cudurada halista ah ee lagula tacaali karo..

Somalia news

Dhirta Sanjabiisha waa daawo dabiici ah oo si aad u tayo badan loona adeegsado Dureyga, Qabowga iyo Lalabada (yalaalugada) waxaa Alle ku abuuray awood lalabo dejin iyo matag ka hortag, Waxaa loo isticmaali karaa cabbitaan ahaan ama inyar oo ka mid ah ayaa shaaha lagu darayaa, dhaqso ayayna lalabadu u ba’aysaa…

Khubarada Caafimaadka ayaa isku raacsan in Shaaha Sanjabiisha leh uu joojiyo qufaca, riiraxyada iyo cuna xanuunka, iyadoo Cilmi-baaris lagu sameeyay Dhirtaan ayaa la isku waafaqay in dawo ahaan loogu adeegsan karo xaaladaha qaar oo uu ka mid yahay hargabka iyo ifilada, waxey kaloo hoos u dhigi kartaa hurka (inflammation).

Sidoo kale waxey hoos u dhigi kartaa Xanuunnada fangaska faraha cagaha dhexdooda gala iyo Lafa-Xanuunka (Rheumatism) waxay abuuraan dareen gubasho leh, hur, xanuun daran iyo murqaha iyo kala-goysyada oo barara.

Faa’idooyinka kale ee Sanjabiisha leh waxaa ka mid ah:-

  • Awood siinta difaaca jirka
  • Waxa uu wanaajiyaa wareegga dhiigga
  • Waxa uu yareeyaa xanuunka caadada
  • Wuxuu sare u qaadaa tayada shahwada wuxuuna wanaajiyaa dhalmada ragga.
280550cookie-checkFaa’idada SANJABIISHA & Cudurada halista ah ee lagula tacaali karo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com