Amaro Lagu Soo Qabanaayo Mas’uuliyiin Oo Fulinteeda Lagu Fashilmay

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu bixiyay amar lagu soo xirayo Guddoomiyaha degmada Wanla-weyn iyo ku-xigeenkiisa Arrimaha Bulshada, kadib markii uu dagaal culus ku dhaxmaray Degmada…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta ka tirsan ciidamada amniga, Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo maamulka gobalka lagu amray in la soo xiro Xubnahaasi, Saraakiil ku sugan Balli-doogle ayaa sheegay in Guddoomiyaha arrimaha Bulshada la geeyay Balli-doogle kadibna la soo fasaxay markii uu diiday Guddoomiyaha degmada in uu asna tago.

Gudoomiyaha Degmada ayaa la sheegay inuu xilkaasi hayo muddo ka badan Lix sano wuxuuna heystaa Ciidamo beeleed hubeysan oo isaga daacad u ah, Odayaal dhaqan oo ka soo jeedo dhinacyada dagaalamay oo qaraabo ahaanna isu dhaw ayaa arrinta ku jira waxaana la sheegay in ay isku dayayaan baajinta ammarka la bixiyay ee soo qabashada ah.

Maalmo ka hor degmada Wanlla-weyn oo ku taala gobalka Shabeelada Hoose waxaa ku dagaalamay ciidamo ay kala hogaaminayaan labada guddoomiye waxaana dagaalkaas ku dhintay ku dhowaad 10 qof oo shacab u badan.

120760cookie-checkAmaro Lagu Soo Qabanaayo Mas’uuliyiin Oo Fulinteeda Lagu Fashilmay