Gudoomiye Degmo Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday

Somalia news

Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Sheekh Cabdi Shafaana ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu khaarajiyo, kadib markii gaarigiisa lagu rasaaseeyay gudaha degmada…

Wararka ayaa sheegaya in Mid ka mida ilaalada Gudoomiyaha iyo qof rayid ah ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii ku geeriyooday tacshiirad ay Ciidamada Dowladda ku fureen gaarigiisa. Sidoo kale laba qof ayaa ku dhaawacantay tacshiiradaasi oo mid ka mida uu yahay ilaalada Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ee degmadaasi degan ay gaarigiisii soo beegsadeen, xilli uu ku sii jeeday Xarunta Maamulka Degmada, Gudoomiyaha ayaa Warbaahinta u sheegay inaanu garan karin sababta ka dambeysay inay soo hujuumaan Ciidamada Militariga.

“Qiyaastii 30 ilaa 40 xabadood ayaa laygu soo furay, Ilaahayna wuu iga badbaadshay, laakiin waxaa ku dhintay laba qof oo midkood ilaaladeeda ka mid ahaa iyo nin rayid ah, nin kale oo boolis ahna wuu ku dhaawacmay iyo qof kale oo rayid ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Wuxuu intaasi raaciyay “Ma garan kari sababta, aniga Maamul Degmo ayaan ahay, waxaan u sii socday Xarunta Degmada, abaarihii 3:12pm ayay ahayd markii ay dhacdadaasi i qabsaneysay, Al Xamdulillah waana ka badbaaday. Alle dile ayaa dhinto.”

115690cookie-checkGudoomiye Degmo Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday