Dacwad-Ogaha Turkiga Oo Garsoorka Ka Codsanaya Xukun 2-6 u Dhaxeeya Wiilka Madaxweynaha Somalia..

Somalia news

Warar laga soo xigtay Mareegtada T24 ee Turkiga ayaa sheegtay in Dacwad oogayaasha Dalkaasi ay diyaariyeen dacwad ka dhan ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Somalia, waxeyna soo jeediyeen in lagu rido xukun, kadib markii uu ku lug lahaa shil gaari oo bishii November ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga…

Wararka ayaa sheegay in Eedeynta ka soo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul ayaa lagu dalbanayaa in lagu xukumo xabsi u dhexeeya 2-6 sano wiil Maxamed Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay “Dil kam ah.”, kadib markii uu dhaawac shileed u geystay Marxuum Yunus Emre Göçer oo 38-sano jir ahaa, falkaan ayaa dhacay 30-ka Novembar.

Warbixin ay dhawaan soo saartay Dhakhaatiirta baarista Turkiga ee ATK oo lagu saleeyay muuqaal laga duubay shilkan, ayaa lagu ogaaday in Eedeysane Maxamed uu ugu horrayn lahaa qaladka shilka, sababtoo ah ma uusan dhimin xowligii uu ku socday markii loo baahnaa, mana sameynin fogaansho badbaado leh marka uu beddelanayo wadada taasoo keentay inuu shilku ku dhaco mooto Göçer.

Khubarada ku xeel dheer Arrimaha Cadaalada iyo Garsoorka ayaa sidoo kale waxey welwel ka muujiyeen in aan Baaris Wasaarada Arrimaha Dibeda ku sameynin sababta uu Wiilka Madaweynaha u qaatay Gaariga Qunsuliyada leedahay Cidda u fududeysay mise Wiilka Madaxweynaha Hantida Shacbiga sidii doono ayuu u isticmaalayaa, ku darsoo Safiirka iyo Qunsulka maxaa baaris loogu sameyn waayay.

296000cookie-checkDacwad-Ogaha Turkiga Oo Garsoorka Ka Codsanaya Xukun 2-6 u Dhaxeeya Wiilka Madaxweynaha Somalia..