AMISOM Oo Ciidamada Dowladda Ku Wareejisay Degmada Afgooye

Somalia news

Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AU-da) ayaa sagaal sano kadib ku wareejiyay Ciidamada Dowladda Federaalka fariisimadii ay ka deganaayeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, xili xasaasi ah oo dalka ay ka jirto dowlad xil gaarsiin ah iyo Khilaafaad Doorasho…

Degmada Afgooye oo 30-km u jirto Magaalada Muqdisho ayaa 26-kii bishii February ee sanadkii 2012 laga saaray Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab, kadib markii guluf ballaaran ay ku qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM, intii uu socday hawlgalkii loogu magac-daray (Hawlgalka Xoraynta ee Shabelle), xilligii Dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Hawlgalkan ayaa ahaa mid lagu xoreynayay Labada Shabelle.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka AMISOM, General William Kitsao Shume oo Arbacadii gaaray degmadaasi ayaa fariisimihii ciidamadooda ku wareejiyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Afgooye waxay noqoneysaa goobtii 6aad ee AMISOM ku wareejiso Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood, tan iyo sanadkii 2017. AMISOM ayaa horey u wareejisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr, Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, Kulliyadda Jaalle Siyaad, saldhigyadoodii Degmada Warsheekh iyo VIA Afmadow oo Kismaayo ah.

Siyaasiin & Waxgarad Soomaaliyeed ayaa walwal faro badan ka muujiyay xiligaan Dalka ku jiro xaalad kala guur ah qorshaha ka dambeeya in AMISOM waqtigaan isaga baxdo Afgooye , maadama Dalka Somalia xaalkeedu uu yahay mid cakiran isla markaana lawado dadaalo dalka doorasho looga qabanaayo.

105250cookie-checkAMISOM Oo Ciidamada Dowladda Ku Wareejisay Degmada Afgooye